23/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Weerarkii huteel Saxafi oo suaalo badan la iska waydiiyay iyo fiirso sawirada rag muhiima oo dhintey

Weerarkii argagixisadu ku qaaday huteel Saxafi ayaa suaalo badan la iska waydiinayaa iyadoo weerarada huteeladu ay hadda noqdeen weerarada fudud ee urur banaysatay dhiiga muslimiinta ay dadkeena ku xasuuqaan xilliyada ay aadka u nugulyihiin ee salaada iyo afurka ama masaajida lagu jiro.

Kooxdan ayaa gaalaysa dadka Somalida ee Muslimka ah kadibna xalaalaysata dhiigooda waana tan aan had iyo jeer u aragno in ay daadshaan dhiig aad u farabadan.

Weerarka ayaa dadka khuburada ku tilmaameen mid fari ku godan tahay sida uu u dhacay waxana aad is waydiin kartaa sidee argaxixisadu ugu soo dhiirataa huteelada iyadoo ay joogaan ilaalo intaa leeg iyo maxay ugu fududahay ama waa maxay sababta ay huteeladu uga digtoonaan waayeen.

Suaalahaas iyo kuwo kale ayaa maanta ka dhex guuxaya dadweynaha Muqdisho oo dawladnimo la’aa muddo 25 sano ku beegan.

Rag ka baxay Somalida ayaa waxa ku jira mulkiilaha huteelka oo ah sawirka koowaad. Wariye Safaana oo ah kan labaad iyo abaanduulihii geesiga ahaa ee C/kariin Dhegabadan oo la yaqaan guulaha uu ka gaaray argagixisada shabaab.

12194882_10156234229940451_4912882236710156400_o[2]12188946_992701230773044_3994544143133816924_n[1]12066031_10153446848249342_9222215317646612581_n[1]

C/llaahi Warmooge

ARAABUNEWS.COM