Sidee ku dhacday Ciidamada Amisom oo sidaa u dhisan in Xaruntoodii la soo weeraro, sidee ku dhacday inay weerarkaasi soo qaadaan Al Shabaab?” Ayuu yiri Afhayeenka Ciidamada Amisom.
Waxa uu intaa ku daray “Timir laf baa ku jirta bay tiraahdaa Somalida, sidee ku dhacday in la weeraro Xaruntii Amisom? Hadalo badan ayaa jiro, wax badana waa maqleynaa. Waa wax aan ka fiirsaneyno.”
Korneyl Xumad, ayaa sidoo kale sheegaaya in Ciidamada Dowladda iyo Amisom ay jawaab ka bixin doonaan weerarka ka dhanka ah Xalane, kolka ay soo gaba gabeeyaan baaritaanadooda ku aadan weerarkaasi.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS