X

Weriye Ingiriisa oo argagixisadu wararka u sheegtaan oo afka furatey

Weriye Ingiriisa oo argagixisadu xasuuqa u sheegtaan si ay u gudbiso warkooda ayaa afka furatey. Waa duli xaaraamiyiin ah ayay tiri dadkey xasuuqaan markaas ayay ani leeyihiin ka taxadir wadada. Caqli xumaa diin nooceeya ayay haysataan. Qaati ayaan ka joogaa markasta oo ay i soo wacaan, mana jecli inaan ka qabto.


Marar waxay i soo wacaan ayagoo leh waxaan hadda si adag u dilney ilaa 15 ilaa 25 qol qolkooda ayaan xasuuqney, waana wadnaa xasuuqa. Xasuuqaas oo ah dad shacaba oo maqaaxiyo fadhiyo oo xataa anigu mar aan joogey  Xamar aan daawadey huteelada mid ka mida oo ay qarxiyeen.

Kaaga daranka kuwa sidaasa ayaa ani diin igala hadla. Dhib ayay qabaan ciidanka dawlada, booliiska iyo kuwa Amisom waayo cida dagaalka kula jiraan maba arkaan.


Haweenaydaan oo lagu magacaabo Maari ayaa sheegtay inay muddo 20 sano ah ay warbixino ka soo direysay Somaliya, sirta wadankans ogtahay, waxase amnigeeda aad loo adkeeyay markii argagixisadu si caadiya uga dilaacdey Koofurta Somaliya.

Waxay madax ka tahay idaacada ku hadasha codka Ingiriiska ee BBC ee lagu yaqaan inay taageerto ama iska dhigto inay dhexdhexaad u tahay colaada iyo siyaasada ka jirta Somaliya oo Somali badan ku hogmeen dhegeysigeeda.


Waxay ku tilmaamaan argagixisada dagaalyahano sidey gooni goosadka ugu sheegi jireen dagaalyahano, waana ta keentay in caruur badan run u qaataan waxa argagixisadu u taagan tahay  ilaa markii dambe la helay idaacado Somali ah oo daaha ka roga, waxa argagixisadu u taagan tahay. Waxayna raacisay inay  madax u ahayd qaybta Afrika ee idaacadaas isla iyada hadda ka qaylinayso.


Argagixisada oo ku raaxaysanaysa hawada ay ka helaan idaacadaas ku hadasha afka dawlada Ingiriiska ayaa waca haweenaydaan maalintii 15 ilaa 17 jeer sida ay sheegtay.

Waxaan ku lumiyay saaxiibo badan oo aan war ka heli jirey markaan diidey inaan qabto telefoonada qarsoon ee argagixisada waayo ma rabo inaan maqlo waxaan wadnaa xasuuq ayay tiri.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.