X

Wiil Soomaali ah oo xaqdaro Talyaaniga ugu xirnaa oo magdhow badan la siiyay

Wiil Soomaali ah oo xaqdaro Talyaaniga ugu xirnaa ayaa magdhow badan maxkamad u xukuntey kadib markii lagu waayay dambi uu u xirnaa muddo aad u dheer.

Xaashi Cumar Xassan ayaa lagu eedeeyay dilka weriye iyo sawir qaade u dhashay Talyaaniga oo u shaqayn jirey wakaalada wararka ee Talyaaniga idaacada loo yaqaan RAI.



Maxkamad ku taal magaalada Perugiya ee dalkaasi Talyaaniga ayaa Xaashi u xukuntey 3 milyan oo ah lacagta reer Yurub ee Yuurada. Maxkamada ayaa sheegtay inay xaq tahay maadaama muddo dheer uu xirnaa waxna lagu waayay.

Dhacdada eedaynta Xaashi Cumar ayaa bilaabantey sanadii 1994 markii weriye Ilaria Alpi ay tagtey Somaliya xilliyadii burburka ee maleeshiyada qabiiladu ka talin jireen Muqdisho si ay u baarto sun la sheegay in lagu shubey xeebaha Koofurta Somaliya.

Suntaas ayaa la sheegay inay ka qeyb qaateen shirkado Talyaani ah. Weriyaha ayaa lagu diley Muqdisho sanadii 1994. Xaashi Cumar ayaa si shirqoola lagu keenay Talyaaniga.



Dacwad oogaha Dario Razzi ayaa u sheegay maxkamada inaysan “geli Karin” dembiga uu ka shaqeynayay in ka badan 16 sano oo xabsi ah, islamarkaana uusan galin dambiga lagu eedeeyey ee ahaa inuu ka qayb qaatay dil magaalada Muqdisho sanadkii 1994- ka dhacay.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

 


admin:

This website uses cookies.