X

Wiil uu dhalay Qadaafi oo u tartamaya madaxweynaha dalkaasi

Waxa bisha soo socota laysku diyaarinayaa doorasho ka dhacda dalkaasi Liibiya ee ay hadda ku hirdamayaan akhwaan muslimiinta uu wato Turkiga iyo jeneraalka haysta inta badan Liibiya.


Waxase mardhow is diiwaan geliyay wiilkii uu dhalay Qadaaafi oo muddo dheer ku jiray jeel magaalada Sintaan oo aan ka fogeyn caasimada Liibiya. Sayf al-islam ayaa la qabtey waraaqaha tartanka madaxweynaha.


Waxase ka gubtey arintan Maraykanka oo diidey diiwaangelinta Sayf al-islam.  Doorashadan oo ay goobjoogeyaal iman doonaan ayaa waxa hore aad loogu diidey wax diin ku qaraabta.

Si kastaba ha ahaatee haddii la doorto Sayf al-islam ayaa waxweyn ay ka bedeli doontaa dalka Liibiya waayo dadka ayaa aad u tabay xukunkii aabihii.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.