November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Woqooyiga Kuuriya oo jabsaday sirta dagaal ee Maraykanka iyo Koofurta Kuuriya iyo qaylada jirta

Woqooyiga Kuuriya ayaa jabsaday sirta dagaal ee Maraykanka iyo Koofurta Kuuriya. Sir ay ku qornaayeen qorshaha dagaal ee Maraykanka iyo Koofurta Kuuriya ayaa waxa laga jabsaday wasaarada difaaca ee K Kuuriya.



Sida ay sheegeen masuuliyiinta wasaarada difaaca sirtan ayaa la jabsaday sanadkii hore waxase laga qariyay sirdoonka dalkaasi. Khuburada internet-ka ee Woqooyiga Kuuriya ayaa u dhacay bogag ay ku duugan yihiin xogo muhiima.



Xogtan ay jabsadeen ee ay kala baxeen wasaaradaha iyo xarumaha difaaca ayaa waxa ku jira siro xasaasiya oo ku saabsan dagaalka ay ku qaadi doonaan Woqooyiga Kuuriya.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS