23/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Xaalada Balicad iyo maleeshiyo raacsan maamulka Hargeysa oo joogi kari waayay duleedkeeda

Xaalada Balicad ee Khaatumo ayaa degan kadib markii maleeshiyaad ka tirsan kuwa deegaanka iyo kuwa Siilaanyo ay joogi kari waayeen duleedka Balicad iyadoo raashinku ku go’ay weerarna uu kaga socday dhinaca ciidamada Khaatumo.

Go’aanka ciidamada maamulka Somaliland ay dib uga baxeen deegaankaasi ayaa yimid, Iyadoo dhowaan halkaasi uu ka dhacay dagaal u dhexeeya ciidamada khaatumo iyo  kuwa Somaliland, taasi oo keentay in maleeshiyaadkan ayna hurdo si wanaagsan u seexan, sidoo kalana waxaa jira Culayso siyaasadeed oo la sheegay inay maamulka Somaliland kor uga yimaadeen.

Bulshada deegaanka oo la hadlay warbaahinta Kalshaale.com ayaa sheegay in maleeshiyaadka maamulka Somaliland ay saaka dib ugu noqdeen deegaanka Bali-hadhac oo Balicad ka xiga dhinaca magaalada Laascaanood.

Xeel dheerayaasha ayaa qaba in dagaal lala galo maamulka Somaliland guud ahaanba deegaanada ay ku sugan yihiin ay soo dedejin doonto in laga wada saaro dhamaan Deegaanka, Sidoo kalana maamulka Khaatumo ayaa waxaa La gudboon Xoojinta Ciidamada. Iyadoona aynu ognahay in Xornimada ay ku timaado Dhiig loo daadiyo.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS