X

Xaasaska madaxda Afrika ee joogta Hindiya oo loo furey casharo ku saabsan sida cuntada loo kariyo

Hindiya oo dadkeedu inta badan fiqiir dhaafeen ayaa siyaasad xoogan oo tartana kula jirta Shiinaha waxayna doorkan martigelisay madax Afrikaana oo ay ku jiraan kan Koofur Afrika, Somaliya, Suudaan, Masar iyo ilaa 47 kale oo Afrikaana oo Hindiya rabto in ay midkasta la gasho heshiisyo ku saabsan sidii khayraadka dabiiciga ah ee dalalkaasi ay u guran lahayd kuna bedelan lahayd sancooyin kale.

Hindiya ayaa si fiican u qaabishey madaxda Afrika waxana caasimada dalka loogu sameeyay casho sharaf iyadoo madaxda Afrika oo uu ku jiro Xasan Sheekh u galisey dharkooda ay ka dhaxleen muslimiintii xukumeysay iyo madax duubka. Sawirka hoose fiiri

Waxa madaxda lagu soo wareejiyay caasimada iyadoo lagu qaaday gawaadhida dhaadheer ee loo yaqaan Limasuu.

Dhinaca kale xaasaska madaxda Afrika ayaa iyagana waxa loo qaaday dhinac kale oo ku saabsan casharo laga siiyay sida cuntada loo kariyo..

Gabagabadii shirkan Hindiya iyo Afrika ayaa Hindidu ku deeqday lacag gaaraysa 600 oo milyan oo doolar taas oo aan meelna kaga dhacayn mashaariicda Afrika u baahan tahay. Lama garan karo inta ka soo gaartey Somaliya lacagtaas waxase aan ka sugnaa Xasan Sheekh in uu u sheego ummada Somaliyeed.

Afrika ayaa waxa ku nool Hindi aad u farabadan. Waxay Hindiya u iibgaysaa Afrika alaabo kala duwan oo ay ku jirto gaadhi Hindiga loo yaqaan Bajaajta..Hindida Afrika ku nool ayaa waxa intooda badan watay Ingiriiska oo ay u shaqayn jireen waxana jira magaalooyin ay ku badan yihiin.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS.COM

admin:

This website uses cookies.