X

Xagjir Taram oo lagu bilaabay xil ka xayuubin

Afhayeenka aqalkaasi barlamaanka ee dalkaasi Maraykanka ayaa xaqiijisay in xil ka xayuubinta xagjir Taram ay hadda u gudbeyso codeynta isla markaana u gudbi doonto aqalka sare oo ay ku xoogan yihiin xisbiga Xagjir Taram oo ay jiraan xildhibaano diidan.


Haweenayda Biloosi ayaa sheegtay in hadda lagu dhaqaaqayo sidii xilka looga qaadi lahaa maadaama kiiska la hayo si cad u sheegayo inuu Ku takrifalay xilka uu hayo.


Xilka Málaga tuuri karaa

Haddii xisbiga dimoqraadiga soo bandhigaan cadayn saxa sida ay sheegeen oo ay Ku raacaan xildhibaanada jamhuuriga ee aqalka sare, waxa xagjir Taram looga tuurayaa daqiiqad, haddiise cadayntu sax noqon weyso way adkaanaysaa.

Xagjir Taram oo ka jawaabaya xil Ka xayuubinta ayaa dalbadey in xisbiga dimoqraadiga Ku dhaqsadaan.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.