X

Baaq laga soo saaray colaadii gobolka Mudug

Maamulka iyo Cuqaasha Af-barwaaqo ayaa si gaar ah baaq ugu diray Dowladda Soomaaliya, mas’uuliyiinta Galmudug iyo Puntland,wax garadka iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed in kala dhex galaan dirita ka socota Af-barwaaqo, si aysan ugu baahin degaannada kale ee Gobolka Mudug.


Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad  ayaa ugu baaqay beelaha ku dagaalamay Gobolka Mudug inay si shuruud la ‘aan ah ku joojiyaan dirirta u dhaxaysa.


“Dagaalka ka soo cusboonaaday Afbarwaaqo waa arrin aan la aqbali karin, Guddiga Nabadeynta iyo ciidanka xasilinta ee isku dhafka ah waa in ay si degdeg  ah u kala dhex galaan dadka walaalaha ah ee colaadu dhex martay “ ayuu yidhi Axmed Cawad.


Madaxeynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa dhankiisa ku baaqay in la joojiyo Colaada u dhexaysa beelaha wada Gobolka Mudug waxa uuna ugu baaqay Maamulada fadhiidka ah ee Galmudug iyo Puntland inay Ku baxaa. Dhimashada labada dhinac ayaa gaaraysa ilaa tobaneeyo.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.