X

Xagjir Taram oo maxkamad la saaray ma u dhow yahay in la rido??

Golaha wakiilada ee dalkaasi Maraykanka ayaa hadda u codeeyay in xagjir Taram xilka laga xayuubiyo. Codka loo qaaday oo aqlabiyad ahaa ayaa Ka dhigan in xagjir Taram uu hadda saaran yahay maxkamad ayna harsan tahay kaliya in aqalka sare u codeeyaan Sadex dalool laba meel.


Xagjir Taram ayaa lagu helay inuu si xun u isticmaalay awooda madaxweyne, asagoo Ku qasbey dalkaasi Yukarayn in uu ceebeeyo musharax ka mida musharixiinta xisbiga dimoqraadiga ee isaga la tartamaya iyo isagoo xaqirey sharciga dalkaasi.

Dacwada ayaa hadda u gudubtey aqalka sare oo xisbiga Taram tiro badan Ku haysto, waxayna  hore u sheegeen qaarkood inay diidi doonaan xil ka xayuubinta.


Xagjir Taram ayaa cadow badan ku leh aqalka sare, waxana dad badan fiirin doonaan in tiradu Ku filan tahay iyo in kale. Waxana la sugaa in kursiga laga tuuro iyo on kale.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.