X

Ma deyn cafinbaa mise waa gacan ku dhigid kheyraadka dalka

Dhawaanahan waxaan maqalaa wadamo cafiyay deynta dalka lagu lahaa oo ahayd deyn si xalaala loo qaatey si xalaalana loogu bixiyay halkii loo baahnaa. Hadaba waxaad is weydiin kartaa Somaliya maxaa Keenay in wado yiraahaan deyntaan idinka cafin doonaa.


Maraykanka waa dalka aduunka ugu taajirsan, wuxuu sheegay inuu deyntii Ka cafiyay Somaliya lamase sheegin deynta uu cafiyay inta ay leekayd. Guud ahaan deynta dalka ayaa lagu sheegay lacag gaaraysa ama Ku dhow laba bilyan oo doolarka Maraykanka ah.

Waxaan xog ku haynaa in Maraykanku dalbadey in loo saxiixo ilaa 10 ceel oo la hubo in saliid Ku jirto, ceelashaas ama dhulkaas ayaa daadsan xeebaha Muqdisho ilaa Marka ama Hobyo.


“Marka haba dhihina deyn ayaa cafiney ee waxaad na yiraahaan waxaan Ku bedelay heshiis cusub oo muddo dheera iyo qiimo jabnaan ayuu Cali Calasow oo jooga Muqdisho.

Isku soo duuboo na jirto deyn cafin ee waxa jirta in deyntaas si kale oo sharciyaysan looga qaato dalka.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.