X

Xagjir Taram oo u hanjabay Ciraaq haddii xoog looga saaro dalka

Shalay ayay ahayd markii barlamaanka Ciraaq dalbadeen in ciidanku Maraykanka laga saaro dalka kadib markii ay fuliyeen weeraro ay ku dileen Ciraaqiyiin iyo martidooda oo uu ku jiro madaxii hawlgalada Iiraan oo booqasho ku joogey dalka.


Xagjir Taram oo aad uga carooday dalabka Ciraaq uga yimi ayaa ku hanjabay inuu curyaamin doono Ciraaq haddii ay si sharafa ku bixi waayaan.

“Waxaan Ka rabnaa balaayiin doolar oo aan Ku dhisney xeropyon iyo saldhigyo milatari, waxaan kaga tagaynaa curyaamin aan hore loo arag.


Ciraaq oo ay burburiyeen wahaabiyada iyo gaaladii isku soo uraarsatey ayaa 10 sanno ka badan isku cunaysay waxa loogu yeero Sunni iyo Shiico oo aan hore uga jirin dalka.


Ciraaq ayaan ka jawaabin hanjabaada uga timi xagjir Taram xilli iyada lafteeda ay ku jirto qalalaase siyaasadeed oo ay meesha isku cunayaan siyaasiyiinta Shiicada lagu sheego.

Madaxa cusub ee bedelay Qaasim Suleymaan

Ismaaciil Qaani oo ah madaxa cusub ee bedelay Qaasim Suleymaan ayaa wacad Ku maray inuu Maraykanka Ka sifeeyo gobolka, taas oo abaalgud u ah dilkii taliyihii isaga Ka horeeyay sida uu sheegay.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.