X

Dayib Erduqaan oo xaqiijay inuu ciidan u direy Liibiya (yuuse soo dilayaa)

Madaxweynaha Turkiga Dayib Erduqaan ayaa ka dhabeeyay inuu dalkiisu ciidan u dirayo Liibiya si uu u taageero maamulka fadhiya caasimada ee akhwaan Muslimiinka ah.

Maamulkan ayaa la saxiixdey heshiis ku saabsan kheyraadka dabiiciga sida saliida ee laga heli karo badda u dhaxaysa Liibiya iyo Turkiga.



Waa shaqsigii la is lahaa wuxuu ugu roonyahay madaxda Muslimiinta kuwa Sunniga isku hixiyay, haddase wuxuu u socdaa Liibiya oo ah dal Muslima wuxuu so dilaya ninkale oo Muslima ayuu yiri Xuseen Warsame. Waa hogaan xumada ku habsatey Muslimiinta caalamka.

Muxuu ku salaysan yahay qorshaha Dayib Erduqaan


Qorshaha Dayib Erduqaan waa labo 1) Inuu taageero mamulka labada magaalo fadhiya ee akhwaan Muslimiinta ee gaaladu dhoodhoobtey kadibna aqoonsadeen laakiin isaga ay isku urur diimeed yihiin.

Waa 2) Inuu qaybtiisa ka helo dhiiga Muslimiinta uu daadiyo haddii uu guulaysto wixii kheyraada ee laga helo badda u dhaxaysa Liibiya iyo Turkiga.

Khaliifa Xaftar maxaa u furan

Waxa u furan inuu taageero weydiisto Masar oo aan la tusi karin urur diimeedka akhwaan Muslimiin, wuxuu horena u sheegay haddii Masar soo gasho in daqiiq looga tuurayo maamulka Tiriboli jooga maadaama dalka badankiisa u haysto.


Masar oo aad uga cadhaysan arinka Dayib Erduqaan ayaan laakiin jeclayn in dhiiga Muslimiintu isku daato xilli arimo ka waaweyn ay haystaan, waxaanad moodaa inay ka caqli fiican yihiin Dayib Erduqaan.

Waase la adeegsan karaa oo waa la kicin karaa siiba Wahaabiyada Sucuudiga, Imaaraadka iyo Yuhuuda oo Masar u haya maaliyada iyo hubka ay ku dagaal galayso.



Si kastaba waxa la dhowraa halka arintan uu qasay Dayib Erduqaan ku dhamaato. ”Ciidanku waa dhaqaaqay si aayarana waa u socdaa ayuu yiri Dayib Erduqaan oo markale daadinaya dhiig Muslima kadib kii Suuriya.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.