X

Xagjir Xasan Daahir Aweys oo taageeray weerarkii kooxdiisa shabaab ka fuliyeen Gaalkacyo

Xagjir Xasan Daahir Aweys ayaa taageeray weerarkii kooxdiisa shabaab ka fuliyeen Gaalkacyo ee ay ku xasuuqeen dad gaaraayay 18 qof. Xagjir Xasan Daahir Aweys ayaa dawladu ku biishaa Muqdisho guri ku yaala kadib markii laga soo qabtey Cadaado.


Xagjirka oo loo ogolaadey inuu suntiisa ka soo afuufo Muqdisho iyo baraha bulshada ayaa sheegay inuu amanayo weerarkii fuleynimo ee kooxdiisa gaaleynta Muslimiintu ku qaadey Gaalkacayo.


Xagjirka ayaa sheegay inuu Somalida la wadaagayo xasuuqa lagu qaadey Gaalkacyo halkaas oo Sheekh, xaaskiisa iyo caruur uu dhalay iyo dadkale lagu xasuuqey, wuxuuna u nisbeeyay in nin Islaam jecel in waxan sameeyo.


Xagjirkan ayaa laga badbaadiyay isla kooxdiisan gaalaynta Muslimiinta haddana lagu biilaa guri ku yaala Muqdisho halkii sharkiisa ummada laga qaban lahaa.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.