X

Khilaafka madaxda Puntland oo dibedda u soo baxay iyo Camey oo taageero helay

Khilaafka madaxda Puntland ayaa dibedda u soo baxay. Madaxa Puntland iyo ku xigeenkiisa Camey ayaa hore loo ogaa inuu jiro kala duwanaansho nidaamka loola dhaqmayo dawlada dhexe ayadoo Camey ku eedeeyay Cabdiwelli Gaas inaanu cidna la tashan oo keligii arimaha iska wato.


Wadatashi la’aantaas oo keentay in maamulka Puntland noqdo mid kalitalisnimo ah oo aan la jaanqaadin nidaamka la sheego ee federaalka. Waxa dad badan qabaa in Cabdiwelli Gaas ka bilaabo Puntland inuu xal u helo qancinta siyaasiyiinta ku jira maamulka intii uu u boodi lahaa dawlada dhexe.


Shalay ayay ahayd markii madaxa Puntland magacaabay guddiga khilaafka taas oo uuna kala tashan madaxweyne ku xigeenka oo madaxweyne ku xigeenkana ku kaliftey inuu midkale soo magacabo.


”Dhab ahaantii waa waxa ka taagan Puntland waa foolxumo waxaan farayaa Cabdiweelli Gaas inuu xaliyo Puntland intuu ku carari lahaa meelo kale ayuu yiri xildhibaan ka tirsan Puntland.

Lama garan karo sida loo xalin karo xilli doorasho soo dhowdahay loona baahnaa in la helo mid xalaala ayuu yiri.

Camey ayaa taageero balaaran helay ayadoo musharixiin badan sheegeen in guddiga uu magacaabay ku yimi wadatashi.

Cabdiwelli Gaas oo isaguna diidey guddiga uu magacaabay Camey ayaa sheegay in Muqdisho looga soo dhiibey.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.