X

Xaliimo Yarey oo ka noqotey hadal qalada oo ka dhacay

Gudoomiyaha gudiga doorashada ee Somaliya Xaliimo Yarey ayaa RABI weydiisatay cafis kadib markii hadal uga dhacay si gafa, hadalkaas oo ahaa abuuritaanka haweenka oo RABIGEEN si cad inoogu sheegay aayad QURAANA oo aan laga leexan karin.


Xaliimo Yarey ayaa sheegtay in haweenka aan laga abuurey isla Aadan laakiin RABIGEEN inoo sheegay inaan HAL NAF nahay, xadiis saxiix ahna rasuulkeena laga soo weriyay in Xaawo laga abuurey feedh ka mida Aadam sidaan wehel ugu tahay.

Xaliimo Yarey ayaa sheegtay inay cafisay kuwii caayay kuwa u nasteexeeyayna ay RABI u baridey inuu xasanaadka ugu daro. Muslimnimada Xaliimo Yarey ayaan marnaba shiki la gelin karin.


Si kastaba ha ahaatee waxa hadalada noocana ee ka soo baxa siyaasiyiinta Somalida markaaba sii fogeeya argagixisada iyo wahaabiyada iswata.

Dadka ka falceliyay hadalka qaladka uga dhacay ayaa u duceeyay inuu RABI wadada toosan ku hanuuniyo.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.