10/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

An Israeli man checks the damages in a residential building after a rocket attack from the Hamas-controlled Gaza Strip, in the central Israeli city of Petah Tikva, on May 13, 2021. (Photo by GIL COHEN-MAGEN / AFP)

Xamaas oo ka nixisay Yuhuuda oo hadda xayiran: hubka hadda aan tuurney waa duug

Ururka Xamaas aya ka nixiyay Yuhuuda oo ay ka xirmeen diyaaradihii rayidka ahaa ka duuli jirey madaarka caasimada Falastiinta laga boobey ee Talabiib. Garoonkaas ayaan hadda diyaarado caalami ah ka soo degi karin kana dhoofi karin.

”Weli laysma gaarin oo hubka hadda aan tuurney waa mid duuga waxana noo buuxa kii casriga ahaa oo aan weli taabanba ayuu yiri sarkaal sare oo u hadlay Xamaas.



Xamaas oo hadda la soo baxday gantaalaha ridada dheer ayaa albaabada u xirey garoonka cusub ee ay Yuhuudu u weecisay diyaaradaha rakaabka. Waxa hadda Yuhuda soo wajahaysa dhaqaale xumo, waxayna durba ka dalbadeen Maraykanka inuu la soo gaaro hub.

Xisbulaah

Yuhuuda ayaa sheegtay in sadex gantaal uga yimaadeen dhinaca Lubnaan, waxayse eeda ka weeciyeen ururka xoogaweyn ee Xisbullah oo haddii uu dagaalkan ku soo biiro ay Yuhuudu xiriiri geli doonto, dadkana guryaha loogu geyn doono cuntada.



Maraykanka ayaa ka gariirey xaalada sii xumaanaysa ee Yuhuuda, waxayna dalbadeen in la joojiyo dagaalka ka dhex qarxay Falastiinta iyo Yuhuuda kuwada nool isla dhulka ay boobeen.

Yuhuuda oo ka qayliday in dhufaysyadii ay guryaha ka qoteen ayna waxba tarayn kadib markii hal qof ku dhintey markii gantaalku soo dhaafay derbigii shubka ahaa.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS