X

Xanuun dadku garanayn oo ka dilaacay gobolka Sool iyo qaylo-dhaan jirta

Xanuunkan aan dadku garanayn ee ka dilaacdey Koofurta gobolka Sool ayaa inta la xaqiijay waxa ku geeriyooday laba qof hala in ka badan lixdan (60) qofna uu soo ritey sida ay sheegeen dadka deegaanku.


Deegaanka uu ku dhiftey xanuunkan ee Saaxdheer ee Koofurta gobolka Sool ayayna jirin adeegyo caafimaad oo tayo leh, waxana dadka ka soo yeerayasa qaylo-dhaan. Xanuunka ayaa wata xumad, shuban iyo qufac.


Waxa sidoo kale la xaqiijay in deegaanada miyiga ee ku xiriirsan Saaxdheer uu ku faafay oo ay jiraan dad uu soo ritey. Dhawaan ayay ahayd markii Burco uu soo ritey xanuun aan la garanayn inkastoo markii dambe loo helay daawo.


”Waxaan codsanaynaa in si degdega deegaanka loogu soo gurmado waayo waxa soo badanaya dadka uu soo ridanayo mana jiraan daawooyin aanu siino ayay yiraahaan waaxda caafimaadka.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.