X

Xarun loogu caqli celiyo dhalinta argagixisadu maskaxda ka xaday oo la furey: SAWIRO

Xarun loogu caqli celiyo dhalinta argagixisadu maskaxda ka xaday ayaa laga furey magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada hoose waxana qayb ahaan maalgeliyay beesha caalamka.

Dhismaha xaruntan oo ay maalgeliyeen ku sameysay dowlada Jarmalka, ayaa markii xariga laga jaraayay waxaa ku sugnaa madasha Ku xigeenka Safiirka dowlada Jarmalka u fadhiya Somaliya iyo masuuliyiin ka tirsan Maamulka Jubba.

Madaxweyne Ku xigeenka Maamulka Jubba Maxamuud Sayid Aadan, ayaa sheegay inay aad u soo dhaweynayaan xaruntaan cusub oo wax badan ka bedeli doonto fekradaha dhalinyarada la qalday.



C/rashiid Janan Wasiirka Amniga Maamulka Jubba ayaa sheegay xaruntan cusub ee dhaqan celinta dhalinyarada Shabaab ee laga furay Magaalada Kismaayo inay wax weyn ka tari doonto ammaanka deeganada Jubba.

Muddooyinkii dambe waxaa jiray dhalinyaro kala duwan oo isku soo dhiibay Maamulada dalka ka jira, kuwaasi oo isaga soo tagay argagixisada  Shabaab.



 

 

admin:

This website uses cookies.