X

Xarunta maamulka gobolka Hiiraan oo iridaha loo laabay: SAWIRO

Xarunta maamulka gobolka Hiiraan ayaa iridaha loo laabay. Dhammaan qolalkii Xarunta ayaa ay biyo fadhiisteen iyo Wadada hormarta Xarunta taas oo sababtay in aysan wax Shaqo ah ka socon Xarunta Maamulka Gobolka Hiiraan.



Fatahaada ayaa si iskumid ah waxa ay u saameeyeen Xarunta Maamulka Gobolka Hiiraan,kan degmada iyo Xafiisyada kala duwan ee Maamulka,sidoo kale Xafiiska Gudoomiyaha Maamulka Gobolka ayaanan xilligaan wax Shaqo ah ka socon.



Badi dadkii ku noolaa Xaafadaha kala duwan ee Magalada Baladweyne Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa barakacay,iyaga oo ka cabsi qabay in saameyn uu ku yeesho Wabiga fatahaada sameeyey.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.