X

Khasaaraha ka dhashay duufaantii ku dhufatey Berbera

Magaalada Berbera ayaa waxaa kusoo rogmay daadad xooggan waxaana ay jira waxyeelo soo gaartay dad iyo duunyo intaba kadib duufaano ku dhuftey.

Inta la xaqiijyay hal qof ayaa ku dhintay oo guri ku soo dumay sida ay sheegeen masuuliyiinta magaalada. Waxayna ka digeen in roobab kale soo socdaan.



Daadad ay duufaanadu wateen ayaa fadhiya meelo baadan oo magaalada. Masuuliyiinta ayaa sheegay inayna seexan xalay oo ay ku jireen daadgureyn.

Dadka goobaha qaar laga daadgureeyay ayaana haysan wax raashina. Daadadka buuxa magaalada ayaana ay suuragal ahayn in dadku ku noqdaan halkii laga soo daadgureeyay.



Moosaskii biyuhu ka bixi lahaayeen ayaa dhamaan wada xiran. Berbera ayaan inta badan roobab helin.
Waxay gargaar ka dalbadeen hay’adda bisha cas.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.