Xasan Cali Kheyre AYAA kormeeyay ciidamo loo diyaariyay amniga. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa warbixino ku saabsan amniga dalka gaar ahaan caasimada Muqdisho ka dhagaystay taliyayaasha ciidanka.
Waxayna tilmaameen in si wanaagsan loo wado howlaha amni ee magaalada, iyagoona cadeeyay in ay dajisteen qorsheyaal lagula soconayo guud ahaan amniga gobolka, gaar ahaan bisha Ramadaan iyo dhaq-dhaqaaqayada cid-walba oo doonayso in ay carqaladayso amniga gobolka.
“Wadashaqaynta maamulka gobolka Benaadir iyo ciidanka Xasilinta Muqdisho waxay ka turjumaysaa dadaalka loogu jiro in la soo celiyo amaanka magaalda oo waayahan laga shaqeynaayay, shacabka Soomaaliyeed dhammaantoodna waxaan faraynaa in la shaqeeyaan ciidanka.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS