X

Xasan Culusow oo war aan laga filayn u sheegay Ingiriiska iyo Imaaraadka

Xasan Culusow ayaa markale bedelay sheekadii ahayd inaanu waxba ka qabin in shisheeyuhu siday rabaan dalka u yimaadaan maamul jufeedkasta oo rabaana waxay ka rabaan ka fuliyaan ayadoo ujeedadaa taa ka duwan tahay.



Xasan Culusow ayaa hadda taageerayaasha gooni goosadka Somalilaan ee Ingiriiska oo wata Imaaraadka u sheegay inuu hadda diidan yahay in mashaariic kor u qaadaya gooni goosadka aanu aqbalin doonin.

”Wax kasta oo gooni goosadka kor u qaadaya mashaariicna ha noqdaane waan ka soo horjeednaa ayuu yiri Xasan Culusow. Barnaamijka Ingiriisku wato ee Imaaraadkuna fuliyay ayaa waxa ku jira in kor loo qaado dhaqaalaha magaalooyinka Hargeysa iyo Burco oo iyaga u xisaabsan inay yihiin xundhurta magaca Somalilaan.



Waa hadal iska hadala oo Xasan Culusow ka soo baxay kuwa la taliyana ayan ogolayn, kuwa keensadayna ayna waxna uga dhignayn jaa waxay
ogyihiin shaqsiya Xasan Culusow. Waxase hadalkan Xasan Culusow ka furmay su’aalo badan intaan jawaabaha la helin. Ma fasirin waxa uu uga jeedo ma taageerayno mashaariic kor loogu qaadayo gooni goosadka halka uu leeyahay waan soo dhawaynaynaa mashaariic kasta oo gooni goosadka loo fulinayo oo inta badan gaaladu ka fuliso deegaanada Hargeysa iyo Berbera.


Xasan Culusow ayaa Ingiriiska uga yeeran kadib marka la aaso boqoradii bakhtiday Ingiriiska halkaas oo laga saxiixi inuu wadahadal u furo Muuse Handaraab. Xasan Culusow ayaa Maraykanka looga yeeray si looga saxiixo dekedda Berbera.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.