X

Wadaadka Maxamed Umul oo toos u weeraray wasiirad Khadiija

Wadaad Maxamed Umul oo Kiiniya ku nool ayaa toos u weeraray wasiirad Khadiija Maxamed Diiriye asagoo ka hadlay surwaal uu sheegay inay xidhan tahay halkii uu ka hadli lahaa arimaha waaweyn ee dalka kajira iyo weliba halka uu joogo.

Wadaadka ayaa si anshaxa ka baxsan oo ka fog sida Sheekh caalim ah u waanin karo qof qalad ku jira u yiri ”fariinta ay dirayso HABARTAAS ma taqaaan adiga?? Ma wuxuu u muuqdaa qof qalbigeeda ku jira.



Wadaad Maxamed Umul ayaan welli ka hadlin xasuuqii gobolka Hiiraan oo runtii mudnaa in dhowr maalmood laga hadlo, waxase isaga la weynaatay haweenay da’ah oo surwaal aan diintu xarimin xiran.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.