X

Xulalka Talyaaniga iyo Iceland oo u soo baxay wareega sadexaad iyagoo reebay…..

Koobka qaarada Yurub ayaa si xawliya uga socda wadanka Faransiiska oo martigelinaya. Ciyaarihii caawa la ciyaaray ayaa waxa ku soo baxay wadamada Talyaaniga oo ka aargoostey Spain iyo jasiirada Iceland oo dadkeedu leegyihiin magaalo ka tirsan Ingiriiska oo garaacdey Ingiriiska sidaa kaga reebtay wareega sadexaad.

Tababarihii Ingiriiska Roy Hodson ayaa isla markiiba is casiley kadib markii uu ku fashilmey in uu Ingiriiska gaarsiiyo wareega sadexaad. Ingiriiska ayaa dhayalsadey Ocel;and filayayna in ay garaacaan waase lagu soo baxay.

Iceland ayaa la ciyaari doonto Faransiiska ciyaartaas oo la filayo in ay noqoto ciyaar adag iyadoo Iceland oo hore u soo reebtay Holland laga baqayo in ay reebto Faransiiska.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.