19/01/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe oo kulmey xilli Xasan Sheekh ka baxayo Muqdisho

Madaxweynihii hore ee Somaliya Xasan Sheekh e fashilmey ayaa kulan la qaatey hogaamiyaha Jubba Axmed Madoobe oo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho kana qayb galaya caleemo saarka.



Axmed Madoobe ayaa kulan is wareysi la qaatay Madaxweynihii hore Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo dhawaan si rasmi ah u wareejiiyay xilka Madaxweynaha kadib markii looga guuleestay doorasho ka dhacday Muqdisho.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa Xasan Sheekh Maxamuud uga mahad celiyay sida uu ugu dhiiraday isbadalkii dalka ka dhacay iyo in Dowladnimada Somaliya ay sii socoto iyo sida uu u aqbalay natiijada doorashadii looga guuleestay.



Madaxweynihii hore Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa dhankiidsa ugu baaqay Axmed Madoobe iyo Hogaamiyaasha kale in ay soo dhaweeyaan dowlada cusub lana shaqeeyaan si halkeeda uga sii socota horumarka dalka uu gaaray sanadihii ugu dambeeyay.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wali ku sugan magaalada Muqdisho, waxaana la filayaa in maalinta berito uu ka qeyb galo xaflada caleemo saarka Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Farmaajo, waxaana la filayaa in uu dalka ka dhoofo uuna la midoobo qoysaskiisa oo degay dalka dibadiisa.