Madaxweynaha Somaliya iyo raiisal wasaaraha ayaa kala qaybsaday safiirada Maraykanka iyo Turkiga waxase dad badan la yaabeen safiirada oo hadda noqdey jufo jufo ku bedel iyadoo. Cumar C/rashiid ayaa nin ay qaraabo yihiin isku bedelay oo lagu magacaabo Ahmed Isse Awad in uu noqdo safiirka cusub ee Maraykanka halka Xasan Sheekh waayay ninkale oo aan ka ahayn Samabaloshe oo idsagana ay qaraabo yihiin.
Xasan Sheekh ayaa dagaal siyaasadeed kula galay raiisal wasaarihii hore sidii uu u badbaadin lahaa Sambalooshe oo uu eryay Cabdiwelli Sheekh.
Sambalooshe ayaan khibrad u lahayn safiirnimada iyadoo ujeedadu tahay in deeqaha dhow ayna u gacan galin cidkale..
Safiirka kale ee ay qaraabo yihiin Cumar C/rashiid ayaa la sheegay in uu qaramada midoobey u shaqayn jirey taas oo ka dhigeysa qof fahansan siyaasada reer galbeedka wuxuuse noqonayaa qof aan u shaqayn dawlad Somaliyeed laakiin u shaqeeya danaha Cumar C/rashiid iyo federaalka.
C/llaahi Warmoge
ARAABINEWS.COM
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay