X

Xasan Sheekh iyo maamul goboleedyada qaar oo shir uga furmay Garoowe iyo raaligelin Xasan bixiyay+FAALADA

Garoowe–Waxa Garoowe ka furmey shir looga hadlayo hiigsiga 2016 oo ay ku jirto doorashooyinka waxana goobta ka hadlay madaxweynaha Puntland oo cabasho hordhigey ku saabsan dastuurka una jeedo Xasan Sheekh iyo maamulkiisa. C/wali Gaas ayaa ka cawday qayb ay dastuur dhoodhoobka ku darsadeen oo ay qabaan in laga saaray.

Xasan Sheekh ayaa isna hadlay oo hadda matala jufadiisa gobolada ay degaan wuxuuna raaligelin ka bixiyay muranka Puntland qabto ee ah in qaybo Majeerteenku dego lagu daray qaybaha Hawiyaha ee Galguduud. Wuxuu kaloo Puntland u sheegay in maamulka gobolada dhexe ahaanayo hal iyo badh oo ayna ku jirin inta Majeerteenku dego.

Shirkan ayaan loo dhanayn oo ay joogaan kaliya sadex qabiil oo ka tirsan qabiilada ku jira 4.5 iyadoo ay maqan yihiin beesha baaxada leh ee DIR iyo beelaha balaadhan ee loo yaqaan beesha shanaad.

Waxa iyana hadlay Shariif Xasan oo matala beeshiisa iyo Axmed Madoobe oo Kiinya wadato. Shirka ayaa loo saaray guddi waxana la filayaa in ay GUULDARO ka soo baxdo iyo hadalo iska soo horjeeda oo midiba ka kale ku lidi yahay.

C/llaahi Warmoge

ARAABINEWS.COM

admin:

This website uses cookies.