23/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Maamulka gobolka Banaadir oo casho sharaf u sameeyay wafti ka yimi Galmudug iyo Puntland iyadoo shirka wadatashi furmey

Madaxweynaha Somaliya ayaa ka qaybgalay xalay casho sharaf ay gobolka Banaadir u sameeyeen waftiyada ka qaybgalaya shirka wadatashi ee ka furmey Muqdisho kaas oo iskugu yimaadeen madaxda maamul goboleedyada iyo dawlada dhexe.

Casho sharafta ayaa sidoo kale lagu maamuusayey midnimada iyo soomaalinimadu qiimaha ay leedahay iyadoo lagu soo bandhigay goobta heeso iyo riwaayado ka turjumaya qiimaha ay midnimadu uleedahay ummadda Soomaaliyeed iyo doorka ay ka qaadan karaan Dawlaha Xubnaha ka ah Dawladda Federaalka soo celinta midnimadii Soomaaliya.

Sidoo kale munaasibadda casho sharafta aya waxaa looga hadlay barnaamijka Hiigsiga cusub (New Deal) oo hadda geba-gebo maraya kuna eg sannadka 2016 waxaana si cad laysula qaatay inaanu sidaan soomaalida ugu cuntamin isla mar ahaantaana aanu barnaamijkaasi kaqayb qaadan baahiyihii aas-aasiga ee waddanka Waxyaabaha laquud darraynayey in looga faa’iideysto Barnaamijka Hiigsiga Cusub ayaa lagu sheegay inay ka mid ahaayeen inuu barnaamijkani ka qayb qaato dhismaha waddoonyinka iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee waddanka balse nasiib darro ilaa iyo maanta aanay waxba ka hir gelin hammiga barnaamijkaasi.

IMG_5737[1]IMG_5667[1]

IMG_5694[1] IMG_5695[1] IMG_5705[1] IMG_5714[1] IMG_5718[1] IMG_5725[1] IMG_5737[1] IMG_5802[1] IMG_5806[1] IMG_5832[1] IMG_5847[1] IMG_5861[1] IMG_6003[1]

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS.COM