November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Xasan Sheekh oo dalbaday in la joojiyo dagaalka Gaalkacayo

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa war ka soo saaray dagaalada saaka ka qarxay magaalada Gaalkacyo e u dhaxeeya ciidamada maamulkada Galmudug iyo Puntland.

Madaxweynaha ayaa baaqiisa uga dalbaday labada maamul inay si degdeg ay u joojiyaan dagaalkaasi, sida laga soo xogtay afhayeenka Madaxweynaha Daa’uud Aweys Jaamac.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dagaalku yahay macne darro aan loo baahneyn in la abuuro colaad kale oo dhiig lagu daadiyo.

Xaaladda magaalada Gaalkacyo ayaa la soo weriyay inay hadda degan tahay kadib dagaal saaka ku dhex maray xaafadda Garsoor ee magaalada kala qeybsan ciidamada labada maamul.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS