X

Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shir madaxeedka ururka midowga Afrika ee ka furmaya Addis ababa

Addis ababa–Madaxweynaha Somaliya ayaa ka qaybgalaya shir madaxeedka midowga Afrika oo maanta ka furmaya caasimada Itoobiya ee Addis ababa. Xasan Sheekh iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ka degay halkaasi waxana soo dhaweeyay madaxda dalka.

Shir madaxeedkan ayaa looga hadli doonaa horumarka laga gaaray soo afjarida argagixisada geeska iyo arimaha bani aadamka.

Afhayeenka Madaxweynaha Da’ud Aweis ayaa sheegay in Madaxweynaha uu shirka ka jeedin doono khudbad uu uga hadlayo xaalada Soomaaliya iyo horumaradii ay dowladdu gaartay.

Shir Madaxeedka Midowga Afrika ayaa sanadkan waxaa diirada lagu saari doonaan xasaradaha la taagan wadamada afrika iyo ka hortagida falalka Xagjirnimada

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.