Madaxweynaha Jamuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya Mudane Xasan Sh Maxamuud oo ay wehliyaan Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya, ayaa dabaaldagga Munaasibadda Ciidul Fitriga kala qeybqaatay boqolaal dadweyne ah oo ku damaashaadayay Xeebta Liido ee maagalada Muqdisho.
Madaxweyne Xasan Sh maxamuud, ayaa la sheekeystay dadweynaha ku sugnaa Baararka laga cunteeyo ee ku teedsan Xeebta liido, isagoo ugu dambeyntii la hadlay dadwynaha ku damaashaadayay Xeebta Liido, ugana hambalyeeyay Dabaaldagga Maalinta Koowaad ee Ciidda.
Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa dadweynaha ku sugnaa xeebta Liido ugu baaqay in la iscafiyo islamarkaana laga shaqeeyo horumarka iyo Midnimada Dalka Soomaaliya.
Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa sheegay in dalka Soomaaliya uu kasoo kabanayo burbur iyo Colaad Sokeysa maantana uu soo gaaray meel wanaagsan oo dadlalka caalamka ay ku dhiiranayaan in ay maalgashadaan Soomaaliya kana qeybqaataan dib u dhiska iyo hormarka Soomaaliya.








C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
![lid_5[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2016/07/lid_51-300x200.jpg)
![lid_6[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2016/07/lid_61-300x200.jpg)
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay