X

Xasan Sheekh oo leh waan soo daadgureyn doonaa dadka Somalida ee ku nool Yaman kadib fashil siyaasadeed

Muqdisho–Wasiirka arimaha gudaha Somaliya ayaa sheegay in dadka Somalida ee ku nool Yaman ee gaaraya nus milyan qoxooti ah la soo daad gureyn doono kadib fashil siyaasadeed oo ku yimi baryahan siyaasada dawlada Somasliya oo yeelatay cadowyo badan.

Wasiir Odowaa ayaa intaas ku daray in kulankii xubnaha golaha Wasiirada oo shalay magaalada Muqdisho ku qabsoomay ay kaga wadahadleen qaabka dadkaasi loo soo daadgureyn karo, isagoo tilmaamay in Qunsulka Soomaaliya u jooga dalka Yeman oo hadda jooga magaalada Muqdisho.

“Waxaa dadka Soomaaliyeed oo ku nool dalka Yeman u sheegaynaa in ay la xiriiraan Qunsuliyaddeena Yeman si loogu fududeeyo in ay dalkooda hooyo dib loogu soo celiyo” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha gudaha.

C/raxmaan Maxamed Xuseen Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federaalka ee Soomaaliya ayaa tilmaamay in dowladu ay ka fikireyso sidii dadkaasi looga soo saari lahaa dalka Yeman, waxaa uu sidoo kale sheegay in dadka Soomaaliyeed oo Qaxootiga ku ah dalka Yeman lagu qiyaaso Nus Milyan oo dad ah kuwaas oo qaarkood ay halkaasi ku noolaayeen in ka badan 20 sano.

Ma jirto fahfaahin waxa dadku ka filan karaan haddiiba ay tagaan qunsuliyada Cadan oo mardhow u gacan geli doona dagaalyahiinta Xuutiyiinta.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.