November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Xasan Sheekh oo maalintii labaad ee ciida kala qaybqaatay shacabka Muqdisho farxada iyo xeebta Liido oo uu booqdey+SAWIRO

Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh ayaa shacabka Muqdisho kala qaybqaatay farxada munaasabada ciida isagoo socod ku maray wadada aada xeebta Liido halkaas oo dhalinta joogta xeebta iyo dadweyne kalaba ay si weyn u soo dhaweeyeen una dhegeysteen.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyn booqdey xeebta Liido halkaas oo uu ku gacan qaadey qaar ka mid ah kumanaan qof oo halkaasi ku qaadanayey maalintii labaad Ciidul Fitriga.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo hadal kooban jeediyay ayaa mar kale shacabka ugu hambalyeeyay munaasabadda ciidda, isagoo isla markaana farey inay isku naxariistaan.

Waxaa kale oo uu Madaxweynaha booqdey goob ay carruurta ku cayaaraan, halkaas oo ay ka socotey munaasabad gaar ah oo carruurta lagu madadaalinayey. Madaxweynaha waxaa munaasabadahaasi ku wehliyey mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.

unnamed13[1] unnamed-49[1] unnamed-59[1] unnamed-96[1] unnamed-125[1] unnamed-126[1] unnamed-153[1] unnamed-201[1] unnamed-222[1] unnamed-223[1] unnamed-291[1] unnamed-1112[1]