24/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Xasan Sheekh oo qorshayna in uu wadahadaladii dib ugu bilaabo maamulka Somaliland maxaase is bedelay

Waxa dhawaan lagu wadaa in Xasan Sheekh dib ugu bilaabo wadahadal uu kula jiro maamulka Somaliland oo doorkii u dambeeyay iyagu ka baxay kulanka kadib markii ay dawlada Somaliya ku soo dartey dad reer Woqooyi ah.

War uu sheegay Maxamed Cumar Carte oo ah ku xigeenka raiisal wasaaraha ayaa lagu sheegay in bishan aakhirkeeda uu kulanku ka dhacayo Turkiga. Ma sheegin in dawlada Xasan Sheekh ay ka tanaasushey in ay kulanka ka qayb geliso dadka reer Woqooyiga ah.

Kulamada u dhexeeya Xasan Sheekh iyo maamulka gooni goosadka ee Somaliland ayaa inta badan ku dhamaada natiijo xumo maadaama dadka is horfadhiyaa midna awood u lahayn in uu gaaro go’aan ee ay yihiin kaliya waxaan fulinaynaa QORSHIHII INGIRIISKA.

Waxase lagu eedaynayaa Xasan Sheekh in uu beeshiisa horgeeyo beelkale oo gooni goosad ah oo xataa aan ogoleyn in dadka wadaniyiinta ah ay joogaan Hargeysa iyo Burco hadana sheegta in ay go’een.

Suaasha muhiimka ah ayaa ah yaa ka qaybgalaya kulankan Turkiga lagu balamay ee inta badan wadaniyiinta reer Woqooyiga ku tilmaamaan mid u dhexeeya Hawiye iyo Isaaqa gooni goosadka ah.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS