November 20, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Xasan Sheekh oo ugu dambeyn soo fariistey barlamaanka Somaliya oo kulmey

Barlamaanka Somaliya ayaa kulmey maanta iyo Xasan Sheekh oo ugu dambeyn soo fariistey. Xasan Sheekh ayaa sidii uu u lumiyay doorashadii madaxtooyada ku noolaa dalka Turkiga. Dadka badankiisa ayaa qaba in aabn taasi cadaalad ku ahayn masaakiinta lacagta looga qaadayo.



Barlamaanka Somaliya ayaa hawlgaba waxana jira inta badan in kulanadu u baaqdaan tiradii loogu talogaley oo aan iman. Waxaanad maqashaa in la yiraa waqtiga ilaaliya.

Taas ayay ka dhigan tahay in aan jirin barlamaan lala xisaabtami karo oo xildhibaanadu markey doonaana yimaadaan markey doonaana maqnaadaan ayadoo lacagtu u socoto.



Waxa taas ka sii daran tirada bilaash ku qaadanaysa cashuurta masaakiinta looga qaado ee ay fadhiga ku jaqayaan oo gaaraysa 275 oo ay dheertahay kuwa loogu yeero aqalka sare.

Waxa dad badan is waydiiyeen sababta Xasan Sheekh looga dhigey xildhibaan sharafeed weligii fadhiya barlamaanka.

Warbixinii C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS