29/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Xasan Sheekh oo xaasaskiisa dalka ka saaray: SAWIRO

Madaxweynihii fashilmey ee Somaliya oo hadda haysta malaayiin doolar ayaa xaasaskiisa ka saaray dalka markii uu iosaga degay xukunka uu ku fashilmey.

Xasan Sheekh Maxamuud  iyo Qoyskiisa ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ku sii sagootiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) iyo xubno kale oo saaxiibo dhow yihiin.

Sarkaal sare oo ka tirsan shaqaalaha Garoonka Diyaaradaha ayaa sheegay Diyaarad qaas ah in Xasan Sheekh iyo Qoyskiisa ay ka qaaday Garoonka Aadan Cadde, iyaga oo uu kii sii jeeda Dalka Turkiga oo ay degan yihiin Qoyskiisa.


Xog hoose oo laga helay siyaasiyiin aad ugu dhaw Xasan sheekh ayaa xaqiijiyay in Amaanka Xasan sheekh loo Cabsaday lana helay Fariimo Halis ku ah Nolosha Xasan sheekh iyo qoyskiisa sidaasna uu Dalka kaga baxay Xasan sheikh.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS