Qarax xoogan ayaa goordhow laga maqlay Gudaha Suuqa ugu weyn Degmada Qoryooleey kaas oo lagu iibiyo Xoolaha Nool. Xasuuqyada noocana ayaa waxa lagu yaqaan kooxda dhiigeena banaysatay ee argagixisada shabaab.
Qaraxa oo la tuhunsanyahay in goobta lagu sii diyaaraiyey ayaa lasoo sheegayaa in ay geysteen khasaare isugu jira dhimasha iyo dhaawac oo soo gaaray dad badan oo goobta ku sugnaa.
waxaana xilliga qaraxyada dhaceen la shegay in suuqa uu aad u mashquul badnaa islamarkaana ay ku sugnaayeen Dad aad u farabadan oo wax kala iibsanayey.
Qof ku sugan suuqa Xoolaha ee degmada Qoryoole ayaa soo sheegaya in xaalada ay tahay mid cakiran oo qiyaas aan laga bixin kari waxaana goobta ku naf waayey dad u badnaa ganacsatada suuqa.
Maalinta Axada suuqa degmada Qoryoole ayaa waxa isugu taga Ganacsato badan, waxaana suuqaas uu ka tilmaaman yahay maalmaha kale ee Todobaadka, waxaana maalinta Axada degamada Qoryoole ay u tahay Maalin Ganacsi.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay