Ciidamada Siilaanyo ee Ingiriisku u tababar ee RRU ayaa xasuuq xun ka gaystay Boorama kadib markay hoos ugu foorariyeen dhalinyar daawasho u joogey ciyaar dhexmartey Awdal iyo Hargeysa. Sida lagu waramayo ciidanka Ingiriisku tababaray ayaa si khaasa loo keenay garoonka maadaama Hargeysa ciyaarayso,, waxayna ka cadhoodeen dhalinyar xamaasadeysan oo makay arkeen cadalad xumo socota qaaday heesta calanka qaranka ee Somaliyeey toosoo.
Ciidanka ayaa rasaasta toos ugu furey waxayse nasiib daro haleeshay wiil dhalinyaro ah oo shahiiday laguna magacaabo Xamse Maxamud Aye oo ka mid ahaa dadweynaha daawanayay kadibna sawaxanka iyo cadhada ayaa isqabtey iyo dadweynaha oo hadalhayntoodu noqotey in reer Boorama noqdeen nin dameeri dishay iyadoo uu wali qoyan yahay dhiigii iyo xasuuqii ay hore u gaysteen.
Ciyaarta ayaa reer Hargeysa ku hogaaminayeen hal iyo eber kadibna weaxa helay gool ku laad xulka Awdal waxase arintaa ka cadhooday kuwa Hargeysa taas oo keentay in loo aaro rasaasna lagu rido.
Xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka ayaa ka hadlay waxase muuqata in aan cidi dheg jalaq u siinayn wiilkan la dilay iyo kuwii hore ee la dilayna ay marayaan wadadii hore. Dhalinta reer Boorama oo noqdey looma ooyaan kolba mid la ugaarsado.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS.COM
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay