Alle ha u naxariistee saxafiyadi madaxa banaanayd ee Hodan Naaleeye ayaa ka mid noqotay dadkii argagixisada Wahaabiyadu ku xasuuqdey Huteel faaruqa oo ilaaladu aad u liidatey oo Kismaayo ku yaal.
Argagixisada ayaa is qarxin kadib fursad u helay inay gudaha u galaan madaarka kadibna intii qaraxa ka badbaaday ay toos u xasuuqaan. Saxafiyada madaxa banana iyo ninkeeda ayaa la xaqiijay inay ku shahiideen.
Hodan Naaleeye waxay ka mid aheyd dadka fara ku tiriska ee Qurbaha ka yimid oo soo kordhiyay hal abuur lagu xoojinayo Nabadda, wacyigelinta bulshada, horumarinta dhulka Soomaalida, soo bandhigida bilicda dalka iyo nolosha dadka reer miyiga ee dhulka Soomaalida.
Sidoo kale waxay aheyd howlkar sama fale ah oo soo gudbisa dhibaatooyinka bani’aadanimo ee ka jira guud ahaan dalka.
Xasuuqa waxa kale oo ku shahiidey waxgarad iyo qaar ka mida saxaafada Somalida oo ku sugnaa isla huteelka. Argagixisada ayaa isha ku haysay huteelkan iyo xilliga ay dhacayaan xaflada goobta lagu hayay. Waxa dhan ayaa sheeko hoosta ka socotey sida ay qabaan xeeldheerayaal yaqaana arimaha argagixisada oo Somali ah.
”Waxa cad markii argagixisada gacan bira lagu qabtey Muqdisho inay u soo wareegeen maamulka Jubba ee Axmed Madoobe ayuu yiri Cali Calasow.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay