08/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Xasuustii Ceelbardaale iyo Seemaal Iyo hanka Muuse Biixi By Mukhtar cilmi

Muddadii ay Xukuumadda KULMIYE taladda dalaka haysay, wuxu shacabweynaha Somaliland ku xasuusan doonaan inay ahayd xukuumadii Muddo kordhinta ahayd, Muranka iyo Is maandhaafka siyaasadeeka ahayd. Xukuumaddi ugu boobka badnayd.

Waxa ay ahayd xukuumadii ay dalka Somaliland soo mareen muranadii iyo carqaladihii siyaasadeed iyo distoorki ee ugu adkaa taariikhda ilaa iyo intii ay Somaliland la soo noqotay madax bannaanidi 1960.

Is maandhaafkan iyo muranadda siyaasadeed ee 6 dii sanno ee soo noq noqonayey, waxay hoos u dhigeen sumcadii iyo magacii ay Somaliland dunida ku lahayd. Waxaa yaraaday oo hakad galay hankii iyo hadal haynti ay beesha caalamku Somaliland u qabtay mudadi ay jirtay.

Waxay dunidda iyo dalalka Somaliland taageeraaba ay aad uga cabsi qabaan in Somaliland noqoto qaran fashilmay oo xilkiisii gudan kari waayey.

Waxa abuurmay shaki iyo walac ay qabaan dalalka Somaliland taageera dibloomaasi ahaan, waxayna ka cabsi qabaan in Somaliland ay ka leexatay tubtii haboonayd ee ay dhigayn madaxdii hore.hadaba musharaxa KULMIYE MUUSE BIIXI CABDI maxa u yaal bulshadda dhexdeeda ee u ku rabo maanta cod?

Waxba weeye jawaabtu,shicibka somaliland maraxalado kala duwan ayuu la soo waajahay siyaasigan ku riyoonaya KURSIGA !,wuxuuna aha dadki shidi jiray shaq shaqaaqadi ka dhex dhacday bulshadda CEELBARDAALE Iyo SEEMAAL waagi dawladii hore ee RIYAALE,

Wuxuuna aha waaga mucaarid rabay inuu wax uun kadhex dhacaan somaliland si dawladdi UDUB u dhacdo oo dagaal sokeeye dalka mar labaad waajaho,waagaas odayaashi dabkaas damiyay way joogan waana xasuustaan kaalinta uu ku laha MUUSE BIIXI ,miyay ku haboon tahay inuu kursigeenu kuro dhagar qabe bulshaddiisa wax kagalay?

Boqol ceelbardaale iyo seemaal kale aya ka dilaacaya haduu ninkaas riyadiisa helo!way u dhamaatay somaliland.siyaasigan gudobta waagaas ka galay aya mar walba ka soo waajihaan gobolka AWDAL waji gabax hadii noqoto taageero la’aani iyo mudaharaad muwaadiniinta gobolkaas tosayaan gobolada kale diidintooda MUUSE BIIXI iyo KULMIYE ba!,ila ina SAMATAR wax uga keenayo gobolkaas ee cadeeyay mawqifkiisa 2017.

Sanadka 2017 waa sanad muhimmadd iyo culaysba u leh taariikhdda iyo aayaha dambe ee Somaliland. Waa sanad ay haboon tahay inuu codkiisa u meel dayo muwaadinkii damiirka leh ee in uun dal jacayl ku jiro,

Waa sanad ay in la dareemo waajib ku tahay muwaadinkii ka damqanaya xaaladda qalafsan ee dalkeenu maanta marayo, muwaadinkii rumaysan ee qiraya halgankii qadhaadhaa ee siyaasideed lagu soo dhisay, waa sanad u baahan inuu taariikhdda dib u milicsado.

Waa sanad ku suntan doona halgankii iyo halyeyadeenii taariikhiga ahaa markii aynu 50 sannadood ka hor xornimadeeni hananay. Haddaba muwaadinka sharafta lahow,

Waxaa wacan inaad aqoonsato waxtarka ama waxyeelada uu codkaagu u keeni karo dadkaaga iyo dalkaagaba. Waxa haboon inaad garowsato in aad codkaaga ugu hiilin karto danta guud ee somaliland. 

Waxaan leeyahay taageerayaasha KULMIYE iyo UCID maaha inaad codkiina ku burburisaan dalkeena iyo dadkeena, hadaad u codeysan Kulmiye waxba meydaan soo kordhin, aan ahayn fowdo iyo aargoosi mooyaane,

hadaad u codeysan KULMIYE waa ka dar oo dib dhal, wuxu maanta dalku heysta jaanis kaliya oo u runtii ku badbaadayo karo kaaso ah xisbiga WADDANI oo aad codkiina u hurtaan iyo musharaxiisa C/raxmaan Maxamed Cabdilaahi CIRRO, ,

Codkaaga ha eersan, gacantaad ha ku burburin nabad galyadda u KULMIYE dhowr jiir galiyay khal khal, dhismayaasha iyo qar animadeena JSLand, codkaaga ka ilaali dagaal oogayaasha KULMIYE, codkaaga ku ciil baxoo waddani si qaranimadu u soo hano qaado oo u dalku ictiraaf iyo hormar u higsado.

 By Mukhtar cilmi