X

Xeebta Saylac oo laga soo qabtey markab kaluun badan gurtey

Waxa saakadii hore ee maanta la soo qabtey markab kaluun badan ka gurtey xeebta Saylac ee gobolka Awdal. Markabkan oo aan la sheegin halka laga leeyahay ayaa la aaminsan yahay inuu muddo guranaayay kaluunka ilaa marki dambe uu yimi xeebta.


Badaha Somaliya ayaa iska banaanaa ilaa intii iyo burburka waxana si fiican uga dhergay maraakiibta indhayarta iyo kuwa reer Yurub markaad ka timaado kuwa jaarka oo si aada ugu jira badda Somaliya.


Kaluunka laga cuno wadamada jaarka iyo Carabta fog ayaa laga soo xadaa badda Somaliya. Dawlad la’aanta jirta awgeed ayaa badda ay haleeleen dad ka faaiidaysan kara kheyraadk dihan,ayagoo ka sameeyay balaayiin doolar.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.