Xeer ilaaliyaha Somaliya oo ka hadlay tirada maxaabiista ku xiran caalamka
Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir oo ka hadlayay Muwaadiniin Soomaaliyeed ee ku xiran xabsiyada caalamka ee lagu eedeeyay iney xiriir la yihiin falal burcad badeednimo ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka war heyso xaalada muwaadiniintaasi, islamarkaana ay socdaan hanaan qaarkood lagula soo wareegayo.
Wuxuu sheegay Dr. Axmed Cali Daahir in ku dhawaad 1024-ruux oo muwaadiniin Soomaaliyeed ay ku xiran yihiin xabsiyada 22-dal oo ka ka mid ah caalamka, kuwaasi oo dhibaatooyin kala duwan la kulmaya.
Sidoo kale Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa sheegay in si caadi ah hoos uga sii dhacayaan tirada Maxaabiista ee ku xiran xabsiyada caalamka sida Siishalis, India, Kenya, Tanzaaniya, Cumaan iyo waliba Wadamada Kha
Cumaan waxa ku xiran 34 maxaabiisa halka dalalka kale ay ku jiraan tirooyin kala duwan.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS