X

Xiisada Turkiga iyo Giriiga oo markale kor u sii kacday maxaase sababay

Waxa dib u bilowdey xiisada u dhaxaysa Turkiga iyo Giriiga halkaas oo baryahan qabowday kadib markii Turkigu dib ugala baxay maraakiibtiisa shidaal baarista. Turkiga ayaa shidaal ka baaraya xeebihiisa Giriiga u dhow qaasatan dhinaca Qubrus, waxase diidan Giriiga.


Turkiga ayaa maanta dib ugu celiyay maraakiibtiisa shidaal baarista kadib markii Giriigu xagga dambe ka maray heshiis kalana la galay Masar oo iyadna dhinaca kale ka soo gasha badda u dhaxaysa Carabta iyo Yurub.

Haddaba maxaa dhacay oo labada u wada hadli waayeen


Giriiga ayaa raba in Turkigu joojiyo shidaal baarista uu ka wado xeebaha u dhow Giriiga oo u qabo in isagu leeyahay, waxayna rabtaa in xadka la jeexo, ayna ku darsato qaybta Qubrus ee Turkigu xukumo.

Halka Turkigu rabo in Giriiga hubka ka qaado xeebaha ku wareegsan Qubrus ee ku soo jeeda xeebaha Turkiga, ayna iska ilowdo in xeebaha Turkiga sheegato.


Waxay kale oo Turkigu rabaa in kheyraadka u dhexeeya labada Qubrus si cadaalada ay u qaybsadaan halka Giriigu qabo in hal Qubrus jirto.

Si kastaba ha ahaatee maraakiibta saliida baaraysa ayaan la fileyn inay dib uga noqdaan halkaas ilaa la gaaro xal kale oo siyaasadeed. Waxa Turkiga u hanjabaya Faransiiska oo joogto ku lahaa Siiriya, wayse yartahay waxa uu ka qaadayo.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.