X

Madaxweynaha Eritariya oo booqasho ku tagey Itoobiya iyo arinta Tigreega

Cabi Axmed ayaa caasimada Itoobiya ku soo dhaweeyay madaxweynaha Eritariya oo uu ka dhexeeyo xiriir fiican. Cabi Axmed oo qoomiyadiisa Oromada ay soo wada shaqeeyeen madaxda Eritariya ayaa isla markiiba soo celiyay xiriirka labada dal.


Waxa xiriirkaas la soo celiyay ka xanaaqay Tigreega oo colaad aad u farabadan dhexdhigey qoomiyadaha Itoobiya oo ay ku jirto Axmaarada iyo Oromada.

Cabi Axmed ayaa qaba in la xoojiyo xiriirka ganacsi ee geeska, waxase aan jirin dawlad xoogan oo hanata dhamaan qaranka Somaliya, inkastoo dawladaha ay jecelyihiin in dalku sidiisaa ahaado.


Labada hogaamiye ayaa ka wada hadli doona sidii loo xoojin lahaa xiriirka ganacsi iyo weliba xaalada Tigreega oo kibir awgeed raba inay ka hoos baxaan Cabi Axmed.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.