X

Xildhibaan Daahir Jeesow oo kabaha la dulmartay fadhiid Xasan Sheekh iyo Sh Shariif

“Madaxwayne Xasan sheekh waxaan leeyahay shalay markaad joogtay waxaad joojin kari wayday ayaa maanta la saxayaa, waxaa la doonayaa in la soo dhiso Jubbaland loo dhan yahay, Adigoo ogaa inaad Cabsi ka qabtay Ciidanka Liyuu Booliska, Maanta waxaasi ma jiraan, Axmed Madoobe Isbaaro dambe uma dhigan doono Dawladnimada Soomaaliya Waana Dulmi Caleemo saarka Axmed Madoobe” Ayuu yidhi Daahir Jeesow.


Xildhibaan Jeesow Wuxuu sidoo kale Fariin u diray Madaxwaynihii Hore ee Sheikh Shariif, Wuxuuna sheegay in Wakhti hore uu Axmed Madoobe ka raacay Alshabaab, Wuxuuna Nasiib darro iyo Khiyaano Qaran ku tilmaamay inuu maanta garab istaago Axmed Madoobe oo Dulmi ku wada Shacabka Jubbaland , Kana hor yimid go’aankii dawlada Soomaaliya.


“Hadii Madaxwayne Farmaajo iyo Xasan Cali Khayre ay Sameeyaan Doorashadii Axmed Madoobe oo kale , Miyaad Aqbalaysaan ” ?

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.