X

Dawlada Somaliya oo Kiiniya Ka wareejisay kulamada caalamiga ah

Aqoon-iswaydaarsigan socon doona laba cisho ayaa  Ka furmey Itoobiya Kaas oo Iska kaashanayaan Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha  ee Somaliya iyo hay’ad Ka socota Bangiga Adduunka.


Wasiirka ganacsiga oo khudbad dheer ka jeediyey kulankan ayaa ku dheeraday muhiimadda aqoon-isweydaarsigani u leeyahay dalka iyo kaalinta uu ka qaadan karo dhiirigalinta maalgashiga, daahfurnaanta ganacsiga iyo xog-iswaardaarsiga hay’adaha dawladda iyo sidoo kale rugta Ganacsiga Soomaaliyeed iyo guud ahaanba ganacsatada Soomaaliyeed.


Wayaa sidoo kale xusay in xog-keydiyahan si fudud ay uga daalacan karaan daneeyayaasha Soomaaliya xogaha iyo shuruucda ganacsi ee Soomaaliya si ay ugu fududaato in ay dalka ay ganacsi ka sameystaan.

Aqoon-iswaydarsigan oo ay bixinayeen khabiirro ka socda Bangiga Adduunka, iyadoo lagu faahfaahiyey hababka uu u shaqeeyo xog kaydiyahan iyo faa’iidada laga dhexli karo marka la sameeyo oo si habsami ah u socda.


Dhinaca kale, shirarkii iyo siminaaradii caalamiga ahaa ee hay’addaha dowladda loogu qaban jiray Nayroobi ayaa waxay u muuqdaan in loo weeciyay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Dhawaan ayay ahayd markii shir uu uga qayb galay Wasiirka Maaliyadda Dr C/lraxmaa Beyle ku saabsanaa deyn cafinta xilli Kiiniya saartey madaxda Somalida xayiraad iyo gumeysi joogta ah.

C/llaahi Warmooge

ARAARINEWS

admin:

This website uses cookies.