November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Xildhibaan Faarax C/qaadir oo sheegay in uu ogaadey faldambiyeed lala rabey

Xog ay heshay Wakaaladda Wararka ee SONNA ayaa lagu ogaaday in uu jiro qorshe Siyaasadaysan oo aan la ogayn sababta ka danbaysa kaas oo laga been abuuray Xildhibaan Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo ka tirsan Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya.

Wakaaladda SONNA waxaa ay heshay Nuqul ka mid ah Dacwad uu Xildhibaanku ugudbiyay Xeer-ilaalinta Qaranka taas oo uu kaga cabanayo in Magaciisa si been abuur ah loogu isticmaalay in lagu Kireeyo Markab Shixnad lagu sheegay Gargaar Biniaadannimo oo ku socotay Magaalada Xudayda ee Wadanka Yemen taas oo lagu sheegay in ay gaarsiinaysay Hay’ad lagu magacaabo Islamic Charity Foundation oo lagu sheegay in ay ka diiwaan gashantahay Dalka Kiiniya, taasi oo lagu tilmaamay in uu xildhibaanku ka mid yahay Aaas-aasayaasha Hay’addaas ee Markabka Kiraysatay.

Xildhibaanku waxa uu ku cadeeyay Dacwadiisa in aanay jirin waxna aanu ka ogayn Hay’addaas iyo waxa ay waday toona,wuxuuna ku xusay Nuqulka Dacwadiisa in ujeedada laga leeyahay adeegsiga magaciisa iyo isticmaalka Warqadda aqoonsigiisa in ay tahay faldambiyeed lagu doonayo in lagu magac-dilo, laguna dhaawaco sumcadiisa,wuxuuna ku tilmaamay xadgudub been abuur ah.

Xog lagu kalsoonyahay oo ay heshay SONNA ayaa tilmaamaysa in Markabka wada Shixnadda been abuurka ah oo lagu magacaabo MV-LIBERTY, in hadda lagu hayo waddanka Jabuuti ayna ku socoto Baaris ay iska kaashanayaan Dawladaha Soomaaliya, jabuuti iyo Kiiniya taasi oo ladoonayo in lagu ogaado ujeedada dhabta ah iyo Ciddii ka dambaysay dhacdadaan Shirqoolka.

Xogta aan helnay ayaa intaasi ku dartay in Markabkaan oo waday Shixnad lagu sheegay Gargaar Bini aadannimo laga soo celiyay Magaalada Xudayda oo ahayd halkii uu ku socday,ka dibna uu ku soo xirtay Dekadda Magaalada Jabuuti halkaasi oo lagu qabtay laguna hayo wali.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS