Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf, ayaa sheegtay in muranka Kiiniya uu noqday mid soo laalaabta waxa ayna muranka noocaasi ah barbar dhigtay Fashilkii Kiiniya ka raacay sheegashada Badda Tanzania.
Xildhibaan Fowsiyo oo u warameysay Idaacada GJ ee magaalada Muqdisho ayaa sheegtay in Dowlada Kiiniya ay ku sirmeyso itaal darida heysata dowlada Somaliya, hayeeshee waxa ay carabka ku dhufatay in Badda Somalia ay tahay mid diiwaangishan isla markaana aysan Kiiniya u suuragali doonin sida ay iyada wax u dooneyso.
Xildhibaan Fowsiyo waxa ay sheegtay in Dowlada Kiiniya ay arrintaani ku khasabtay kadib markii Tanzania looga xukumay badda Kiiniya horay u qabsatay.
”Kiiniya damaceedu waa mid fog oo kasoo bilowday markii ay sheegatay qeybo kamid ah Badda Tanzania markii lagu fahmay oo ay dareentay ciriiri ayay istiri Badda Somaliya ayaa kaaga dhaw oo aan dowlad awood leh heysan”
Xildhibaanadu waxa ay sheegtay in gafka Kiiniya ay ogyihiin inta badan adduunka balse ay ka aamuseen kadib markii Kiiniya ay ku fogaatay Damacii hayay ee sida Sahlan ku galay.
”Kiiniya waxay gashay ciriir dhanka badda, waxay fikirtay Kiiniya in xaggeena usoo leexato, Kiiniya marka xagashii leexsaneyd ee khadkeena raacsaneyd oo weligood ogaayeen waa ay soo leexiyeen 40 Mile isku jibaaran ayeey damceen iney sheegtaan”
Xildhibaanada oo hadalkeeda sii wadata ayaa tirri “Intii aan shaqeynayey waxaan ogaa warqad waagaa oo ay yiraahdeen hanaloo qoro, waxaa joogtay waagaa dowladdii Sheekh Shariif, C/raxmaan C/shakuur ayaa saxiixay isfaham wada hadal ah, markii saxiixaasi la sameeyay umaddii waa ay kacday oo waxay yiraahdeen baddii ayaa la iibsaday”
Waxa ay intaa sii raacisay haddalkeeda Xildhibaanada ”Aniga markii aan akhriyey is fahamkaasi ma jiraaan wax la iibsado, waa Kiiniya oo damacday iney baddeena qaadato iyo Soomaaliya baa tiri aan ka wada hadalno, waxaan tagey anoo shaqo kale u jooga golaha ammaanka, New York ayaan tagey xafiiskii ku shaqada lahaa Badaha”
”Arrintaani xitaa waxaa la socda Adduunka oo idil balse waxa ay qudhooda la tacajabeen damaca Kiiniya weyna isaga aamuseen, balse waxaa arrintaani ay hortaala Dowlada Somaliya oo looga baahan yahay inay difaacdo Hantideeda”
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay